Uganda: Boob lagu Hayo Xafiisyada Ururada Caalamiga

Xassan shire

Dalka Uganda, Labadii sanadood ee u dambeeyay waxaa loo dhacay oo computer-ro, dukumintiyo iyo qalab kale oo ku kacaya malaayiin dollar laga qaatay xafiisyada in ka badan 20 ka mid ah Ururada caalamiga ah iyo kuwa maxaliga ah ee ka shaqeeya arrimaha bulshada rayidka oo ay ku jireen kuwa ka shaqeeya xuquuqda aadanaha.

Sida lagu baahiyay baraha ururada xuquuqada aadanaha, 31 urur oo ka shaqeeya Uganda ayaa warqad furan u qoray booliska dalkaas oo ay sheegeen inay ku guul dareysteen inay soo qabtaan ama maxkamad soo taagaan dadkii ka dambeeyay weeraradan loo geystay xafiisyadan.

Wariyeheenna Xuseen Barre Aaden ayaa arrimahan ka wareystay. Xasan Shire Sheekh, Madaxa Heyadda difaacayaasha xuquuqda aadanaha ee bariga Africa.

Your browser doesn’t support HTML5

Wareysi: Xasan Shire