Taariikhda iyo awoodda kooxda Xuutiyiinta ee Yemen

Ku dhawaad 10 sano ayaa laga joogaa markii uu billaabmay dagaalka sokeeye ee dalka Yemen ka qarxay sanadkii 2014.

Dagaalka ayaa waxaa ku dhintay boqolaal kun oo qof, tiro intaasi ka badanna way ku dhaawacantay. Malaayiin qof oo Yemeniyiin ah oo carruur u badana way barakaceen, isla markaana waxay wajahayaan macaluul iyo nafaqo darro heerkeedu sarreeyo, sida ay sheegeen hay’adaha samafalka.

Geesta kale dagaalka Yemen wuxuu yeeshay saamayn caalami ah kadib markii Ururka Xuutiyiinta ee Yemen ka dagaalama oo uu dhawaan Maraykanku mar kale u aqoonsaday urur argagixiso ay carqalad ka billaabeen marinka Baab-Al-Mandab ee badda Cas iyagoo sheegay inay garab istaag ugu muujinayaan Falastiiniyiinta Gaza. Weerarrada Xuutiyiinta ayay jawaab ka bixiyeen Maraykanka iyo xulufadiisa.

Hadaba waa maxay taariikhda Xuutiyiintu? Xaguu salka ku hayaa dagaalka ay kula jiraan dawladda Yemen? Xagee ayay ka helaan awoodda ciidan ee ay muddada intaa leeg ku dagaalamayaan?

Warbixin gaar ah oo arrintaa ku saabsan waxa diyaarisay Sahra Ciidle Nuur.

Your browser doesn’t support HTML5

Taariikhda iyo awoodda kooxda Xuutiyiinta ee Yemen