Soomaalida ku nool Kenya oo soo dhoweeyey go'aanka Ruto ee la xiriira dal-ku-galka

Ruto

Soomaalida ku nool dalka kenya ayaa soo dhaweeyay hadalka madaxweynaha Kenya William Ruto ee ahaa inuu qaaday shuruudihii dal-ku-galka ee dhammaan dadka ajaanibka ah ee dalka Kenya imanaya.

Ruto ayaa tallaabadaas ku tilmaamay in ay dhiiri-gelin doonto isu socodka dadka iyo badeecadaha xorta ah, ayna Kenya u fureyso fursado badan oo ganacsi.

Madaxweynaha Kenya ayaa arrintaan uga dhawaaqay munaasabadda xuska sanad-guuradii 60-aad ee maalinta xoriyadda dalka Kenya, waxayna si rasmi ah u dhaqan-geli doonta horraanta bisha January ee 2024-ka.

Hadaba wariyaha VOA Intisaar Saalax Xuseen ayaa aragtidooda ka weydiisay qaar ka mid ah Soomaalida Kenya.

Your browser doesn’t support HTML5

Soomaalida ku nool Kenya oo soo dhoweeyey go'aanka Ruto ee la xiriira dal-ku-galka