Soomaalida guryaha ka iibsanaya Nairobi oo digniin loo diray

Nairobi

Ganacsatada Soomaalida ee ka shaqeeya dhismayaasha guryaha ee ee magaalada Nairobi ayaa uga digaya qurbajoogta iyo dadka Soomaaliyeed ee doonaya inay guryaha ka iibsadaan magaalada Nairobi ama dad ay soo wakiisheen uga dhisayaan, inay ka fiirsadaan dadka ama shirkadaha ay lacagahooda iyo hantidooda ay ku aaminayaan.

Arrintan ayaa imaanaysa xilli waayadii la soo dhaafay ay jireen dad ka cabanaya guryo ay iibsadeen oo aan u qalmin qiimihii looga iibiyay guryaha.

Wariyaha VOA Khadar Maxamuu Xareed, ayaa warbixintan Nairobi ka soo diray.

Your browser doesn’t support HTML5

Soomaalida guryaha ka iibsanaya Nairobi oo digniin loo diray