Wareysi: Fahamka Soomaalida Canada ee caafimaadka maskaxda iyo dhimirka

Hooda Jaamac Samatar

Tan iyo markii uu u billowday xanuunka safmarka ah ee COVID-19, waxaa lagu soo warramayaa in ay kordheen dadka ka cabanaya cudurrada dhimirka ee dalka Canada, taasoo lala xiriirinayo cidlada shaqo yarida iyo dhibaatooyin kale oo is biirsaday.

Laakiin, Soomaalida ku nool dalkaas oo muddo lagu eedeynayay inay qarsadaan cudurka ayaa hadda u muuqda kuwa fahmay halista xanuunka dhimirka, iyagoo caawinaad ka dalbanaya hay’adaha ka shaqeeya arrinkan.

Haddaba wariyaha VOA-da ee Canada Xuseen Nuur Xaaji ayaa arrimahan ka wareystay Hooda Jaamac Samatar oo PhD ka qaadatay jaamacadda Toronto ee dalka Canada, lana shaqeysa urur caawiye dadka qaba cudurrada dhimirka, ugu horreyna waxa uu waydiiyay guud ahaan xaaladda Soomaalida Canada marka laga hadlayo cudurrada dhimirka?

Your browser doesn’t support HTML5

Soomaalida Canada iyo xanuunka dhimirka