Soomaali ku xanniban xuduudda Sudan iyo Itoobiya

Tobnaan kun oo qof oo isugu jira muwaadiniinta Sudan, iyo ajaanib ay ku jiraan Soomaali ayaa u qaxay dalalka xadka la leh Sudan, sida Masar, Chad, South Sudan iyo Itoobiya.

Dadkan ayaa kasoo cararay dagaallada ka qarxay Sudan ee u dhaxeeya labada Jeneraal ee isku haya awoodda dalkaas.

Soomaalida qaar ayaa ku xanniban xadka Sudan iyo Itoobiya, gaar ahaan magaalada Al Qadarif ee dalka Sudan. Dadkaasi waxaa ka mid ah Dr. Cabdiraxman Xuseen Ismaaciil. Khadka WhatsApp ayuu xalay ugu warramay weriyaha VOA, Nuur Xassan Nuur.

Your browser doesn’t support HTML5

Soomaali ku xanniban xuduudda Sudan iyo Itoobiya