Soomaali abaal-marino lagu guddoonsiiyey gobolka Queensland ee Australia
Soomaali Australia
Brisbane —
Ilaa 10 qof oo dhallinyaro Soomaali ah ayaa la guddoonsiiyey abaal-marin lagu aqoonsado dadka waxtarka u leh bulshooyinka kala duwan ee ku nool gobolka Queensland ee dalka Australia.
Soomaalida ayaa sanadkan ugu tiro badneyd dadka helay abaalmarinta la bixiyey iyadoo ay goobjoog ahaayeen mas’uuliyiin ka socotay dowladda Australia.