Shirweynihii Qaran ee Xisbiga Jamhuuriga ee dalka Maraykanka ayaa habeenkii xalay ahaa lagu soo geba-gebeeyey khudbad uu jeediyey madaxweynihii hore ee Maraykanka Donald Trump, isaga oo rasmi ah loogu caleemo saaray inuu noqdo tartamaha xilka madaxtinimo ee doorashada bisha November.
Maalmihii hore ee uu shirku socday, Trump waxa uu ka mid ahaa dhageystayaasha, hase yeeshee xalay ayaa ahayd markii ugu horreysay uu hadlo illaa markii la bartilmaameedsaday Sabtidii hore.
Wariyaha VOA-da Carolyn Presutti ayaa warbixin ka soo dirtay goobtii shirweynuhu ka socday. Waxaa soo jeedineysa Sahra Cabdi Axmed oo soo jeedisay.
Your browser doesn’t support HTML5
Shirweynaha Qaran ee Xisbiga Jamhuuriga oo la soo geba-gebeeyey