Sawirrada Maanta: Oct. 1, 2015

Haramcad uu madax uga dhegay digsi uu biyo ka cab is lahaa, degmada Rajsamand ee gobolka Rajasthan ee India.

Beeraley Falastiiniyiin ah oo timir kasoo gurtay deegaanka Khan Yunis ee marinka Gaza.

Shimbir dhex haadaya dhedo subaxeedka Scotland.

Askari ka tirsan ciidamada Korea-da Koonfureed oo dhagxaan ku jebinaya gacantiisa, iskuna diyaarinaya xuska maalinta ciidamada dalkaas iyo sanadguuradii 67-aad ee kasoo wareegtay. Askarigan oo ku labisan dharka cayaarta tekwaandhuuga, waxa uu ku sugan yahay magaalada Seoul.

Diyaaradaha dagaalka Korea-da Koonfureed ee F-15K oo qiiq sii deynaya una diyaar garoobaya xuska sanadguuradii 67-aad ee maalinta ciidamada dalkaas.

Nin ka mid ah ciidamada sida booliiska u tababaran, oo ku dheggan baale soo dhacay, ayada oo duufaanta Dujuan ay si xun ugu dhufatay gobolka Zhejian ee China.

Buufinada waa weynka ah ee lagu duulo oo duulimaad loo diyaarinayo, ka hor tartan arrintaas ku saabsan oo ka furmaya baarka Maayan Harod ee waqooyiga Israel.

Gabdhaha dharka xayeysiiya oo xiran dharka naqshadda Dries Van Noten, kana qeyb galaya toddobaadka dharka ee magaalada Paris.