Sawirrada Maanta: Sep. 30 2015

Dhallinyaro Falastiiniyiin ah oo iska daboolaya sunta dadka ka ilmeysiisa iyo dhawaqa bambooyin ay soo tuureen ciidamada Israel, xilli ay dibad-bax ka dhigayeen magaalada ku taalla daanta galbeed ee Hebron.

Baabuur ku socota waddo tagta dalka Malaysia oo ka baxday Singapore, xilli boor badan ka kacay dalkaas.

Dad ku hoos socda dallado lagu soo bandhigay magaalada Seoul ee dalka Korea-da Koonfureed, taasi oo qeyb ka ah olole caruurta lacag loogu uruurinayey.

Dadka oo dhinac maraya geedo soo dhacay iyo mootooyin bur-buray, kadib duufaantii Dujuan ee ku dhufatay magaalada Taipei ee dalka Taiwan.

Arday ka fal-celinaya kadib booqasho lama filaan ah oo amiirka Harry-ga Britian uu ku tagay iskuulka Duke of York Royal Militari ee magaalada Dover ee koonfurta England.

Haweeney ka fal-celineysa ayada oo tareen la koreysa dadka muhaajiriinta ah, meel ku dhow xerada qaxooti ee ku taalla xadka Greece iyo Macedonia ee Gevgelija.

Rag isku garaacaya qolfaha qumbaha oo gubanaya, ayaga oo xusaya ciidda "Mesiat Geni" ee Hindu-ga kuna sugan magaalada Bali ee dalka Indonesia.

Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama (Midig) iyo madaxweynaha Cuba Raul Castro oo isgacan qaadaya kadib markii ay ku kulmeen kullanka golaha guud ee QM ee magaalada New York.

Ra'iisul Wasaaraha Germany Angela Merkel (Bidixn) oo gacan qaadeysa madaxa xubnaha baarlamaanka ee kooxda muxaafidka kirishtanka dimuqraadiga (CDU) Volker Kauder ka hor kulanka labadooda xisbi ee CDU iyo CSU ee Berlin.