Sawirrada Maanta: Sep. 28, 2015

Guillaume Rolland oo u dhashay dalka France, oo ku dul socda fiilo aad u dhuuban, kana qeyb galaya tartan caqli ka bax ah oo ka dhacaya magaalada Moleson, ee dalka Switzerland.

Wiil yar oo ka fal-celinaya balan-baalis ku dul taagan sankiisa, isaga oo ku sugan baarka Kunming ee gobolka Yunnan ee dalka China.

Taallo sawirkeeda lagu dhinac muujiyey bisha, magaalada Brussels, Belgium.t. 26, 2015.

Nin ka qeyb-galaya tartan dhib badan oo dhooqada lagu dhex dabaalanayo, kuna sugan magaalada Minsk ee dalka Belarus.

Dadweyne ku socda waddada Champs Elysees, kana qeyb galaya maalinta loogu magac daray "Maalinta baabuur la'aanta" ee magaalada Paris ee dalka France.

Qoys ka tagay magaalada Trenton ee gobolka New Jersey oo ku lugeynaya buundada Benjamin Franklin una socda magaalada Philadelphia ee gobolka Pensylvania, oo uu ka qudbeynayey Pope-ka, ka hor inta uusan ku laaban Rome.

Gabdhaha Dharka Xayeysiiya (Models), oo ka qeyb galaya tododbaadka dharka ee Milan Fashion Week, ee magaalada Milan. 

Askar ka tirsan ciidamada Poland oo calan ku daboolaya sanduuqyo ay ku jiraan meydadka askar dalkaas u dhashay oo meydkooda dhowaan la helay lana ogaaday inay dileen shuuciyiinta, intii uu socday dagaalkii labaad ee dunida.
 

Darawalka British-ka ah ee shirkadda baabuurta Mercedes Lewis Hamilton oo kor u tuuraya koobkiisa, kadib markii uu ku guuleystay tartanka Formula One Grand Prix ee Japan, oo lagu qabtay magaalada Sazuka.

Dadka Hinduga ee India oo wax ay caabudaan ku shubaya budo dhowr kalar oo kala nooc ah kala leh iyo ubaxyo, magaalada Mumbai.

Dadweyne daawanaya tartankii 42-aad ee orodka Berlin ee magaalada Berlin ee Germany.