Sawirro: Qalalaasaha Masar

Taageerayaasha madaxweynihii hore Mursi oo salaadii Jimcaha ku tukanaya xaafadda Nasr ee Qaahira oo ah goobta ay maalin walba ku dibadbaxaan, July 26, 2013.

Dadka ka soo horjeeda Morsi oo ku dibadbaxaya aqalka madaxtooyada ee Qaahira, July 26, 2013.

Diyaarada helicopter ah oo ay leeyihiin ciidamada militariga Masar, July 26, 2013.

Nin calaamada guusha u muujinaya diyaarad helicopter ah meel u dhow aqalka madaxtooyada, July 26, 2013.

Xubno ka tirsan Akhwaanul Muslimiin iyo taageerayaasha Morsi oo saaran buundo xilli ay dibadbax ka dhigayeen fagaaraha Rabaa Adawiya ee Qaahira,  July 26, 2013.

Taageerayaasha Morsi oo ku dibaxbaxay bannaanka hore ee safaaradda Masar ay ku leedahay Kuala Lumpur, Malaysia, July 26, 2013.

Xubin ka tirsan Akhwaanul-Muslimiin oo ku sugan fagaaraha Rabaa Adawiya ee Qaahira, July 26, 2013.


Taliyaha ciidamada Masar,  Cabdel Fattah el-Sissi, July 24, 2013.