Guddiga baarista tacaddiyadii ka dhacay dawlad deegaanka Soomaalida ayaa warbaahinta warbixin ka siiyay sannad kadib halka ay wax u marayaan, iyagoo xusay meelo ay rabaan inay xoogga saaraan.
Dr Maxamed Xasan Qaasim oo ah madaxa guddigaas ayaa kadib shirkoodan jaraa'id arrimahan uga warramay wariyaha VOA ee JigJiga Maxamed Cabdiraxmaan Gaataa, waxaana uu ugu horeyn weydiiyay ujeedada ay kulan warbaahineedka u qabteen?