Godey —
Magaalada Goday ee dawlad-degaanka Soomaalida Itoobiya waxaa maanta booqatay safiirka dawladda Maraykanka u jooga Itoobiya Tracey Ann Jacobson.
Safiirka ayaa Godey kula kulantay madaxweynaha maamulka Soomaalida Itoobiya Musafe Muxumed Cumar. Kulankan ayaa lagu soo warramayaa in lagaga hadlay xaalada abaarta iyo sidii gurmad loogu fidin lahaa dadka ay abaaruhu saameeyeen.
Warbixintan waxaa inoo soo diray Maxamed Cabdiraxmaan Gaataa.
Your browser doesn’t support HTML5
Safiirka Mareykanka ee Itoobiya oo booqatay gobolka Soomaalida