Madaxweynaha Puntland ayaa ka hadlay dagaalka ay ciidamadiisu kula jiraan maleeshiyada ururka Daacish ee buuraha gobolka Bari, isagoo sheegay in Puntland ay kusoo duuleen ajaanib ka kala timid daafaha dunida oo haysta dhalashooyin kala duwan.
Madaxweyne Deni ayaa hadalkan ka sheegay xilli uu xalay fiidkii booqday dhaawacyada ciidamada Puntland ee dagaalka kula jira kooxda Daacish.