Saameyn intee le'eg ayey geerida Prigozhin ku yeelan kartaa Wagner?

Yevgeny Prigozhin

Madaxa kooxda calooshood u shaqeystayaasha Ruushka ah ee Wagner (Vagner) Yevgeny Prigozhin, ayaa ka mid ahaa toban qof oo saarnaa diyaarad gelinkii danbe ee Arbacadii ku burburtay Ruushka.

Dowladda Ruushka ayaa xaqiijisay geerida Prigozhin oo bishii June sameeyey isku day afgambi oo ka dhan ah ciidamada Ruushka.

Diyaaradda dhacday ayaa imanaysa iyadoo warbaahinta Ruushku ay wariyeen in jeneral sare oo ku xirnaa Prigozhin laga qaaday xilka taliyaha ciidamada cirka ee dalkaasi.

Diyaaradda burburtay ayaa waxaa saarnaa saddex duuliye iyo toddoba qof oo rakaab ah, waxaana ay ka kacday magaalada Moscow iyadoo kusii jeedday magaalada St. Petersburg. Waxay ku dhacday meel 100 km dhanka waqooyi ka xigta caasimadda Ruushka.

Haddaba, dhimashada Prigozhin maxay saameyn ah oo ku yeelan kartaa howlihii ciidan ee ay kooxdiisu ka wadday gudaha Ukraine iyo galbeedka Afrika?

Wariyaha VOA ee Yurub Cabdixaafid Cawil Ismaaciil ayaa su’aalahan iyo kuwa kale weydiiyay Maxamed Xassan Dable oo ka faallooda siyaasadda caalamka kuna sugan UK.

Your browser doesn’t support HTML5

Saameyn intee le'eg ayey geerida Prigozhin ku yeelan kartaa Wagner?