Madaxweynaha Kenya, William Ruto, ayaa shalay dib u furay xafiiska laanta socdaalka ee Garissa oo muddo ku dhowaad 10 sano xirnaa. Tani waxay u fududeyn doontaa Soomaalida Waqooyi Bari Kenya inay halkaas ka qaataan baasaboorrada.
Dhinaca kale, Ruto ayaa Arbacadii Wajeer ka sheegay in la joojiyay baaritaanka dheeraadka ah ee lagu sameyn jiray Soomaalida xoolo-dhaqatada ah ee ku nool deegaanada xadka marka ay dalbanayaan kaarka aqoonsiga. Arrintan waxaa si weyn u soo dhaweeyay dadka reer Wajeer.
Warbixintan waxaa soo diray weriyaha VOA ee Wajeer, Axmed Xuseen.
Your browser doesn’t support HTML5
Ruto oo bixiyey amarro la xiriira Soomaalida Kenya