Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa ugu baaqay waalidiinta inay ka fogeeyaan wadooyinka carruurta rabshada wada. Waxa kale oo uu soo jeediyey baraha bulshada inay meesha ka saaraan waxyaabaha "xasaasiga ah" ee la xiriira saddexdii habeen ee rabshadihii ka dhashay toogasho ay booliisku ku dileen wiil dhallinyaro ah oo kasoo jeeda Waqooyiga Afrika.
Wararkii ugu danbeeyey ee xaaladaas waxa magaalada London inooga soo direy Wariyaha VOA ee Qaarada Yurub Abdihafid Awil Ismail..
Your browser doesn’t support HTML5
Rabshadaha Faransiiska oo weli sii socda.mp3