QM oo sheegtay in xasuuq qowmiyad uu ka dhacay Darfur

Xafiiska xuquuqul insaanka ee Qaramada Midoobay ayaa Khamiista maanta sheegay in ugu yaraan 87 qof, oo ay ku jiraan qowmiyadda Masalits, lagu aasay waxa uu ku tilmaamay xabaal wadareed ku yaalla Galbeedka Darfur ee dalka Suudaan.

Xafiiska ayaa sheegay in ay hayaan xog lagu kalsoonaan karo oo ah in Ciidamada Taageerada degdega ah ay mas’uul ka yihiin xasuuqan.

Warbixin ay Reuters arrintan ka qortey waxaa inoo heysa Falastiin Axmed Iimaan.

Your browser doesn’t support HTML5

QM oo sheegtay in xasuuq qowmiyad uu ka dhacay Darfur