Qarax xooggan ayaa luxay xafiiska raisal-wasaaraha iyo xafiisyada dowladda Norway ee magaalada Caasimada ah ee Oslo. Raisal-wasaaruhu inkasta oo uu ka bad-baaday qaraxaasi, laakiin 7 qof ayaa ku dhintay qaraxaasi.
Saacaddo kaddib weerarkaasi, nin hubeysan oo sidii booliska u labisan ayaa rasaas ku furay dhalinyaro ku sugnaa jaziirada lagu magacaabo Utoya oo magaalada Oslo dhinaca waqooyiga kaga beegan. 10 qof oo caruur u badan ayaa la sheegayaa inay weerarkaasina ku dhinteen.
Wasiirka Cadaaladda Norway ayaa weriyayaasha u sheegay in weerarka jaziiradda uu geystay nin Norwagian ah oo ay haatan gacanta ku hayaan ciidamada booliska.
Raisal-wasaaraha Norway oo warbaahinta la hadlay ayaa weerarradan ku tilmaamay kuwo fuleynimo ah, isagoo sheegay inaysan bur-burin karin dimoqraadiyada Norway.
Halkan ka daawo Qaxaxa.