Sawirro: Tooshka Olombikada London

Dooni ay leeyihiin Boqortooyada oo wada toosha olombikada. July 27, 2012.

labada aktar ee Brishka ee Joanna Lumley iyo Jennifer Saunders,oo sida tooshka olombikada inta u dhaxeysa Lambeth iyo Kensington and Chelsea, London, July 26, 2012.

Tooshka oo maraya qasriga Buckingham Palace oo ay daawanayaan, labada amiir ee William, Harry iyo  Kate, July 26, 2012.

R/wasaaraha Britain David Cameron iyo marwadiisa Samantha oo daawanaya Florance Rowe oo tooshka olombikada ka guddoomaysa Kate Nesbitt bannaanka hore ee guriga Downing Street, July 26, 2012.

Aktarka Bollywood ee Amitabh Bachchan oo sida Tooshka Olombikada inta u dhaxeysa City of London iyo xaafadda Southwark ee London, July 25, 2012. (Photo provided by LOCOG)

Ciyaaryahanada tenniska ciyaarta ee Venus Williams oo sugaysa inay tooshka ka guddoonto Murray Mound, July 23, 2012.

Michael Owen weeraryahankii hore ee kooxda England oo sida tooshka olombikada xaafadda Battersea ee London, July 23, 2012.

Amelia Hempleman-Adams, oo ah 17 jira sida tooshka oo dul-saaran qeybta kore ee London Eye, iyadoo qeyb ka ah tooshka la dhexmarinayo magaalada london, July 22, 2012.

Orodyahankii hore ee Maraykanka, Michael Johnson oo sida tooshka olombikada meesha lagu magacaabo Stonehenge ee Salisbury, koonfurta England July 12, 2012.

Boqorada Britain Queen Elizabeth iyo ni nkeeda Prince Philip oo daawanaya iyadoo ay tooshka la kala wareegayaan Gina Macgregor iyo Phil Wells qasriga Windsor Castle,galbeedka London July 10, 2012.