Sawirrada Maanta: Oct. 6, 2015
Dad qorax dhaca ka dul daawanaya hotelka saqafkiisa kore sida markabka loo sameeyey ee Marina Bay Sands Hotel ee dalka Singapore, ayada oo boor badanna uu ka kacsan yahay magaalada.
Shaqaale dhagxaan afar gees ah kasoo qaadanaya banaanka magaalada Peshawer ee dalka Pakistan.
Muhaajiriin sida dooni ka sameysan bambiiro, kadib markii ay soo bad-baadiyeen ciidamada ilaalada xeebaha Libya. Dadkan waxa ay ka mid ahaayeen dad ay dooni la qalibmatay, ayada oo 85 qof ay geeriyoodeen.
Buufinada waa weyn ee aaryada kulul lagu buufiyo oo heehaabaya dusha sare ee magaalada Albuquerque ee gobolka New Mexico ee dalka Mareykanka, kana qeyb galaya tartan noocaas ah.
Dad madaxa gashtay sawirrada guryo baakado ah, ayaga oo ka qeyb galaya socod loogu tala galay maalinta deegaanka, kuna sugan dalka Cambodia.
Waa goob loogo tala-galay inuu ka dhaco tartanka orodka sibxadka ee magaalada Rio de Janeiro, ee dalka Brazil.
Qof madax soo gashtay bocor weji loo ekeysiiyey, kuna sugan magaalada Los Angeles ee dalka Mareykanka.
Meesha laga galo xeebta Point Pleasant Beach, ee gobolk New Jerse oo bacaad uu duugay, ayada oo dabeylo xooggan ay ka jiraan gobolka.