Sawirrada Maanta: Oct. 27, 2015

Shaqaale gargaar oo sida canug yar oo ku dhaawacmay dhulgariirkii shalay ku dhuftay waqooyiga Afghanistan, magaalada Jalalabad ee dalka Afghanistan.

Wiil qaxooti Suuriyaan ah oo sitta kabihiisa oo dhiiqo leh, kuna laabanaya teendho uu ku nool yahay oo ku taalla magaalada Mafraq ee Jordan, kuna dhow xadka Syria.

Dad ku quraacanaya baabuur qeybta dambe ee baabuur la kala gooyey, iskuna diyaarinaya codbixinta doorashada dalka Guatamala. Waxay ku sugan yihiin magaalada Mixco ee dalkaas.

Xubno ka mid ah ciidamada ilaalada China oo ka qeyb-galaya munaasabad lagu soo dhoweynayo boqorka dalka Holland Willem-Alexander, oo booqanaya magaalada Beijing.

Lamaane ku raaxeysanaya cimillada dayrta ee beerta Kolomenskoye park ee magaalada Moscow ee dalka Ruushka.

Baabuur dul maraya buundo hoosteeda ay daadad buuxiyeen, magaalada Houston ee gobolka Texas ee dalka Mareykanka.

Nin iyo Eygiisa oo saaran mooto, ayaga oo daawanaya tartanka dibbiyada ee gobolka Chonburi ee dalka Thailand.

Dad Indonesian ah oo daawanaya laba yaxaas oo geeriyooday, kadib markii ay si lama filaan ah usoo dabteen kalluumeysato.

Rag ka qeyb-galaya tartanka dibbiyada ee gobolka Choburi ee dalka Thailand.

Amiir William-ka Britain oo la sawiran wiil yar oo British ah.