Sawirrada Maanta: Oct. 23, 2015

Muhaajiriin isku kululeynaya dab ay shiteen, xilli qabow uu ka jiro xaafadda Skala Sikaminias ee waqooyiga bari ee magaalada Lesbos ee dalka Greece.

Askari Israeli ah oo sunta dadka ka ilmeysiisa ku furaya dibad-baxayaal Falastiiniyiin ah, meel u dhow magaalada Jerusalem.

Qoysaska iyo ehellada ku kala nool Korea-da Koonfureed iyo Korea-da Waqooyi, oo is macsalaameynaya kadib markii uu dhammaaday kullankii ay isku arkayeen.

Magaalada Luzon ee dalka Philippines oo ay kusoo rogmadeen daadad ay sababtay duufaanta Koppu.
Dad u istaagay inay arkaan baabuur u eg kii lagu jilay filimka "Back to the Future Part II"
Dad ku socda keyme ku yaalla magaalada Liverpool ee England.
Caruur Iskuul Pakistani ah oo ka gudbaya meel biyo wasaq ah ay yaalaan, duleedka magaalada Islamabad.