Sawirrada Maanta Oct. 20, 2015

Canug yar oo muhaajir ah oo bac looga daboolay roobka, isaga oo hurda magaalada xadka Slovenia iyo Croatia ku taalla ee Trnovec.

Dad ka gudbaya biye xireen, xilli duufaanta Koppu ay biye badan kusoo rogmisay magaalada Las Pinas oo ku dhow magaalada Manila ee dalka Philappines.

Calanka China oo muuqda, ayada oo arday ay sameynayaan cayaarta Tai Chi , gobolka Hunan.

Shaqaalaha wax dhisa oo ka shaqeynaya dhisme ku yalla magaalada Kuala Lumpur ee dalka Malaysia, xilli ay ciiro jirto.

Laba daanyeero ilme ah oo isla cayaaraya, laguna hayo xarunta duur joogta ee magaalada Kuala Lumpur ee Malaysia.

Xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka John Kerry (Bidix) oo haysta kaban uu haddiyad ahaan u siiyey wasiirka arrimaha dibedda Spain Jose Manuel Garcia-Margallo, isaga oo ku guda jiray booqasho uu ku tagay magaalada Madrid.

Cirbixiyeen ka tirsan hay'adda Mareykanka ee NASA oo lagu magacaabo Scott Kelly ayaa sawirrada qaaday isaga oo ku sugan xarunta dayax gacmeedka ee hawada sare. Sawirkan waa Australia oo dusha sare laga sawiray.

Hoggaamiyaha Korea-da Waqooyi Kim Jong Un (Midig, saddexaad) iyo xaaskiisa Ri Sol Ju (Bidix, Afaraad), oo ka qeyb-galaya munaaabad ka dhacday magaalada caasimadda ah ee Pyongyang oo lagu xusayo sanad guuradii 70-aad ee aas-aaska xisbiga haya talada dalkaas ee Shaqaalaha.

Sharci-dejiyaha Jammu iyo Kashmir Abdul Rashid Sheikh oo carreysan kadib markii isaga oo shir jaraa'id qabanaya ay rinji ku daadiyeen koox mintid ah oo garabka midig ah. Wuxuu ka hadlayey dilka wiil muslim ay u geysteen Hinduga India.