Sawirrada Maanta: Oct. 16, 2015

Booliiska federaalka Jarmalka oo hagaya koox muhaajiriin ah kadib markii ay kasoo gudbeen xadka Austria iyo Jarmalka ee ku dhow magaalada Wegscheid.

Qoraxda oo sii dhaceysa, ayada oo dadkuna ay socdaan xeebta magaalada Alexandria ee dalka Masar.

Ciidamada badda Japan oo dhoola-tus ku sameynaya xeebta Sagami Bay ee Yokosuka ee Koonfurta Japan.

Arday ku cusub jaamacadda caafimaad ee University of Granada ee magaalada Granada ee dalka Spian, oo cunto lagu daadinayo, soo dhoweyn ahaan.

Ehalada Serder Ben oo ah 33 jir ku geeriyooday qaraxyadii Ankara ee 10-kii October, oo barooranaya, xilli ay tacsidiisa socoto.

Keyme u dhow magaalada Fuerstenwalde ee bariga dalka Jarmalka.

Dad fadhiya baarka Falun Dafa, ayaga oo isku diyaarinaya inay dibad bax ka dhan ah dowladda China ka dhigaan, banaanka xarunta magaalada Los Angeles ee dalka Mareykanka.

Musharaxa madaxweyne ee Mareykanka Hillar Clinton iyo Nelson Araujo oo ka mid ah golaha gobolka Nevada ee Mareykanka oo yimid goob jallaatada laga iibsado oo ku taal magaalada Las Vegas ee Nevada.

Duqa magaalada London Boris Johnson oo cayaar rugby la dheelaya ilmo, magaalada Tokyo ee dalka Japan, oo uu booqasho ku joogo.

Nin doonaya inuu si cajiib ah kubadda koloyga ugu rido shabaqa, ka hor cayaar kooxaha Mareykanka ee Los Angeles Cilppers iyo Charlotte Hornets ku dhex mareysay magaalada Shanghai ee dalka Shiinaha.

Coos la duubay si xoolaha loo siiyo xilliga qabowga oo laga arko xilli aroor hore ah magaalada Angus ee dalka Scotland.