Sawirrada Maanta: Oct. 12, 2015

Qof Falastiini ah oo dhaawacan oo ay caawinayaan dad dibad bax kula dhegayey barta kontorool ee Hawara oo ku dhow magaalada daanta galbeed ku taalla ee Nablus. Ugu yaraan 45 qof oo Falastiiniyiin ah ayaa ku dhaawacmay xabado ay soo rideen ciidamada Israel.

Darawalka mootada Honda Moto3 Livio Loi, oo reer Belgium ah oo ka dhacaya mootadiisa, intii uu socday tartanka Japanese Grand Prix ee ka dhacay waqooyiga magaalada Tokyo.

Doonta tartamaha Talyaaniga ee Robertissima III oo ka horreysa doomaha kale, ayada oo ka qeyb galeysa tartanka doomaha dheereeya ee ka dhacaya gacanka Triesta ee ku dhow taltaaniga.

Sawirkan waxaa baahiyey wasaaradda gaashaandhigga Iran, wuxuuna muujinaya gantaal cusub oo ka mid ah kuwa melaha fog gaara oo Iran ay sameysay. Waxaa gantaalkan lagu magacaabaa Emad.

Beeraley Shiinees ah oo dhinac maraya koox boolo boolo badeed ah, isaga oo saaran doontiisa, gobolka Jiangsu ee dalka China.

Novak Djokovic oo dhunkanaya koobkii uu ku guuleytay ee tartanka tennis-ka ee China Open, ee ka dhacay magaalada Beijing, halkaasi oo uu cayaartii Final-ka kaga adkaaday Rafael Nadal.

Qoyska Korkmaz Tedik, oo ka mid ah dadkii ku geeriyooday qaraxyadii sabtidii ka dhacay magaalada Ankara ee Turkiga, oo ku dul barooranaya naxashkii lagu riday meydkiisa.

Haween soo xirtay dharka dhaqanka oo sameynaya cayaar ay isugu diyaarinayaan xuska munaasabad ciideedka Hindu-ga ee Navrati oo ka dhaceysa magaalada Ahmedabad ee dalka India.

Dad mutadawiciin ah oo ka qeyb galaya xuska sanad guuradii 70aad ee kasoo wareegtay aas-aaska xisbiga shaqaalaha ee haya talada Korea-da Woqooyi.

Darawalka Jarmalka ah ee Nico Hulkenberg (Baaburka kore) iyo Marcus Ericsson oo Sweden u dhashay oo isku dhacay, intii uu socday tartanka Formula One Russian Grand Prix oo ka dhacay magaalada Sochi ee Ruushka.