Sawirrada Maanta: Nov. 10, 2015

Wiil yar oo Falastiini ah oo kalafooto sameynaya, meel u dhow xeebta magaalada Gaza.

Gabar taagan albaabka gurigooda, ayada oo daawaneysa carruur kale oo la siinayo talaalka cudurka dabeysha, magaalada Sanca ee dalka Yemen.

Nin ka dhacay faraskii uu watay, isaga oo cayaar faraseed uga qeyb-galaya magaalada San Antonio de Areco ee dalka Argentina.

Muhaajir daal la dhacay, kadib markii uu doon ku yimid jasiiradda Giriigga ee Lesbos.

Shaqaale gargaar oo raadinaya dhibbenayaal, kadib markii biyo xireen uu burburay, dhiiqo guurna uu ka dhacay magaalada Mariana ee dalka Brazil.

Nin u shaqeeya dowladda hoose, oo qeylinaya xilli daadad ay kusoo rogmadeen magaalada Ashkelon ee Israel.

Ilme Daanyeer oo sida dadka oo kale loo xiray daybar loona dhiibay masaasad caano, gobolka Riau ee dalka Indonesia.

Farshaxmiistaha Ruushka ah ee Pyotr Pavlensky oo sawir iska qaaday kadib markii uu dab qabadsiiyey albaabka xarunta sirdoonka Russia ee FSB, oo bedeshay magacii KGB.

Shaqaale dhinac socda sawirka naqshadda dhismayeaal laga sameynayo magaalada Beijing ee dalka China, xilli ciiro iyo qiiq ay hawada buuxiyeen.

Koox ka mid ah taageerayaasha xisbiga mucaaradka Myanmar oo yimid bannaanka xarunta xisbiga ee magaalada Yangon, inkasta oo roobab ay da'ayeen.