Sawirrada Maanta: Nov. 5, 2015

Breeder Siegfried Marth oo isku soo celinaya koox boolo boolo ah, gobolka Burgemland ee dalka Austria.

Wiil yar oo nadiifinaya muraayadda baabuur, aroor hore, magaalada Dhaka ee dalka Bangladesh.

 

Laba qaxooti oo Afrika ka yimid oo socda bannaanka magaalada Wolfsburg ee bartamaha dalka Jarmalka.

Doon socota badda meditareeniyaanka, meel u dhow magaalada Tel Aviv, xilli boor uu kacsan yahay.

Ciidamo Mareykan ah oo kusoo degaya baarashuut, ayaga oo tababar NATO ku qaadanaya magaalada Zaragosa ee dalka Spain.

Prince Charles, oo haweeney ay ku salaameyso salaanta dhaqanka Maori, isaga oo booqanaya magaalada Wellington ee dalka New Zealand.

Musharax Naing Nan Lynn oo salaamaya taageerayaal, kadib markii weerar lagu qaaday toddobaadkii tagay uu ku dhaawacmay, magaalada Yangon ee dalka Myanmar.