Sawirrada Maanta: Nov. 4, 2015

Muhaajiriin ku sugan xadka Austria iyo Slovenia ayaga oo doonaya inay galaan dalka Austria.

Taalada Liberty ee magaalada New York.

Dad sawir qaadanaya ayada oo ay soo baxeyso diyaaradda C919, oo ah tii ugu horreysay oo ay sameyso shirka Shiinees ah, magaalada Shanghai.

Sarkaal ka shaqeeya diyaaradda madaxweynaha Mareykanka ee Air Force One oo albaabka u furaya madaxweyne Obama.

Bilicda dayr dhammaadka oo laga arko magaalada Alsace ee bariga dalka France.

Gawaari cusub oo Porsche ah oo yaalla bannaanka xarunta Porsche ee magaalada Leipzig ee bariga dalka Jarmalka. Mareykanka ayaa ogaaday in baabuurtaas iyo kuwa VW iyo Audi lagu xiray qalab qariya heerka qiica.

Dad ubaxyo baroor diiq ah dhigaya hareeraha Dvortsovaya ee magaalada St. Petersburg ee Ruushka, ayaga oo ka murugsan dadkii ku geeriyooday diyaaraddii ku dhacday dalka Jarmalka.