Sawirrada Maanta: Nov. 27, 2015

Boombalaha Shimbirta Careysan oo la wado intii ay socotay xafladda Thanksgiving ee uu dukaanka Macy ku qabtay magaalada New York.

Booliiska New York oo dabaq sare ka daawanaya xilli boombale hawada lagu haatiyey.

Askari ka tirsan ciidamada Biljam oo socda bartamaha magaalada Brussels, xilli dalkaas uu heegan kaga jiro weeraro argagixiso.

Booliiska dalka Macedonia oo qof muhaajiriin ah dhulka madaxa ugu haya, kadib markii ay isku dhaceen booliiska iyo muhaajiriin doonaya inay ka gudbaan xadka Greece iyo Macedonia.

Kolonyo baabuur ah oo sida naxash uu ku jiro meydka madaxweynihii hore ee Korea-da Koonfureed Kim Young-Sam.

Madaxweyne Obama oo cafis u fidinaya doorada loo yaqaan Turki, xilli caadiyaan khamiista ugu dambeysa bisha Novemeber si aad ah loo cuno, ayada oo lagu xusyao maalinka Thanksgiving.

Baabuur xamuul oo socda buurta Schauinsland ee Koonfurta Jarmalka, xilli baraf badan uu da'ay.

Soo bixitaanka bisha oo laga dhinac arko taalada CN ee magaalada Toronto ee dalka Canada.