Sawirrada Maanta: Nov. 23, 2015
Gabdho ka mid ah barakacaaysha gudaha dalka Afghanistan oo isku diirinaya jalmad dab saaran.
Haweeney isku dayeysa inay booliiska ka badbaadiso gabadheeda kadib markii ay isku dhaceen muhaajiriin doonaya inay xadka ka gudbaan iyo booliiska Greece.
Nin ka mid ah dadka cayaara tartanka dibiyada oo ka dhacay dibigiisii, dalka Indonesia.
Dad dhex socda beerta Blomen ee magaalada Hamburg ee waqooyiga Jarmalka, xilli baraf xooggan uu ku da'ay.
Caruur ku cayaaraya mele u dhow xeebta Rio Doce ee dalka Brazil.
Askari Biljam ah oo socda bartamaha magaalada caasimadda ah ee Brussels, xilli dalkaas heegan argagixiso ku jiro.
Mid ka mid ah labada sar ee loo yaqaan Petronas Towers ee magaalada Kuala Lumpur ee caasimadda dalka Malaysia oo daaqad laga arko.
Qof wata dallad oo dhinac maraya baabuur iyo mootooyin, xilli baraf uu ka da'ayo dalka China.
Ra'iisul wasaaraha Russia Dmitry Medvedev oo ay isku sawirayaan dalxiisayaal, xilli uu boqoasho ku jooga magaalada Kuala Lumpur ee Malaysia oo uu kaga qeyb galay shir madaxeedkii Bariga Asia.
Codbixiye isku duubay calanka dalka Argentine oo codkiisa ka dhiibanaya doorashadii madaxweyne ee dalkaas.