Sawirrada Maanta: Nov. 20, 2015

This mummy wrapped in linen, with its hands on its chest in the Osirian form, was found inside the long chamber of the Kampp 150 tomb. Studies suggest that the mummy could have been a top official or a powerful person in the Draa Abul Naga necropolis on Luxor’s West Bank, in Luxor, Egypt, Dec. 9, 2017. (H. Elrasam/VOA)

Ciidamo qaadaya dhagax ay jidka ku gooyeen dad banaanbaxayaal ah oo ka cabanaya natiijada doorashada 25-kii October ka dhacday dalka Haiti.

Haweeney ku dul barooraneysa qabriga wiilkeeda oo booliis ah oo ku geeriyooday qaraxii bishii August ka dhacay dekedda Tianjin ee dalka China.

Geedaha oo caleemaha ay ka dhacayaan hareeraha aqalka congress-ka Mareykanka, xilli ay tahay maalin roobaad. Sawirkan waxaa qaaday Diaa Bekheet oo ka tirsan VOA.
Ciidamada dalka Poland oo qaadanaya tababar ku saabsan sida looga jawaabi lahaa haddii uu dhaco weerar kiimiko. Halkan waa magaalada caasimadda ah ee Warsaw.
Dhaqaatiir isbitaal macmal ah ku daweenaya qof rayid ah oo ku dhaawacmay duqeynta ciidamada Bashar Al-Asad, magaalada Douma ee dhow magaalada Dimishqi.
Mahiro Takano oo ah 9 sano jir oo tababar qaadaneysa. Waxa ay saddex goor ku guuleysatay tartanka Japan ee cayaarta Karate-ga ee ciyaalka ku da'da ah.
Baabuur kusoo siqaya biyo wabiga Stillaguamish uu jidka kusoo fatahiyey, gobolka Washington ee dalka Mareykanka.
Boqoradda Spain Queen Letizia (Midig) oo Madrid kusoo dhoweysay boqoradda Jordan Queen Rania.
Haweeney ka shaqeyneysa baqaar ay alaabo u yaalaan suuqa Online-ka ee Amazon, magaalada Leipzig ee dalka Jarmalka.