Sawirrada Maanta: Nov. 19, 2015

Booliiska Faransiiska oo weerar ku qaaday guri ku yaalla magaalada Saint-Denis ee duleedka magaalada Paris, oo ay ku sugnaayeen dad lagu tuhmayo weeraradii Paris.

Booliiska Faransiiska oo ku socda guri ku yaalla magaalada Saint-Denis ee duleedka magaalada Paris, oo ay ku sugnaayeen dad lagu tuhmayo weeraradii Paris.

Baabuur socota waddada I-90 ee magaalada Seattle ee gobolka Washington ee dalka Mareykanka.

 

Dad isugu soo ururay meel deegaan ah, oo daadad ay kusoo rugmadeen, magaalada Chennei ee dalka India.

Baabuur meel la dhigay oo dhagax guri uu kusoo dumay kadib dabeylo xoogan, magaalada Leigh ee galbeedka England.

Shaqaale gargaar oo kasoo degaya diyaarad qumaati u kacda si uu bad baadiyo kalluumeysato badda ku xanniban kadib cimilada oo xumaatay, gobolka Shandong ee China.

Koox baarayaal ah oo caddeymo ka raadinaya banaanka guri ku yaalla magaalada Saint-Denis ee duleedka magaalada Paris, oo ay ku sugnaayeen dad lagu tuhmayo weeraradii Paris.

 

Jamal yaalla biyaha Raouche ee magaalada Beirut ee dalka Lebanon oo calanka Faransiiska lagu iftiimiyey, si loogu xusuusto dadkii lagu dilay weeraradii Paris.

Wiil Afghani ah oo isku diirinaya dab xilli qabow uu ka jiro xaafadda Moria ee jasiiradda Lesbos ee dalka Greece, oo ay u muhaajireen.