Sawirrada Maanta: Nov. 18, 2015

Dad ka daadanaya markabka KM Wihan Sejahtera oo ku rogmaday biyaha gobolka East Java ee dalka Indonesia.

Booliis hubeysan oo jooga bannaanka garoonka Wembley ee magaalada London, ka hor cayaar dhex martay England iyo France.

Dad Hindu ah oo duceysanaya xilli ay ku guda jiraan dabbaal degga ciidda Chhath, kuna sugan dooxada Hussain Sagar ee magaalada Hyderabad.

Haweeney hoos socota calamo hoos loo dhigay, oo lagu xusayo dhibanayaasha weeraradii France. Magaalada Washington DC.

Laba nin oo doon ku maraya webiga Yenisei ee magaalada Krasnoyarsk ee dalka Russia, xilli ceeryaamo ay jirto.

Dibadbaxayaal iyo booliiska oo isku dhacay dhismaha meel dibedda ka ah baarlamanka dalka Kosovo.

Dad isugu soo ururay fagaaraha Capitol ee magaalada Toulouse ee Koonfurta Faransiiska, si ay u xusuustaan dadkii ku geeriyooday weeraradii Paris.

Taageerayaasha Hong Kong oo sita boorar ay ku qoreen "Boo", intii ay socotay cayaar ka tirsan is-reeb reebka koobka aduunka ee 2018, oo ka dhacday magaalada Hong Kong.