Sawirrada Maanta: Nov. 17, 2016

Muhaajiriin iyo qaxooti socda, kadib markii ay kasoo gudbeen xuduudda Greek iyo Macedonia, meel u dhow xaafadda Gevgelija.

​Sawir uu qaaday satellite oo muujinaya heer kulka dusha sare ee badweynta Pacific Ocean ee bishii October. Midibka guduudan waxa uu muujinaya heer kul ka sareeya heerka caadiga, waana astaan muujineysa El Niño.


 

Haween socda waddo baraf qariyey, magaalada Almaty ee dalka Kazakhstan.

Ardayda dugsiyada sare oo dibadbax ka dhigaya magaalada Le Mans ee wqooyiga bari ee Faransiiska, si u xusuustaan dadkii lagu dilay weeraradii Paris.

 

​Ciidamada Belgium oo u dhacaya guri lagu tuhmayo islaamiyiin mayal adag oo ku yeella magaalada ku taalla duleedka Brussels ee Molenbeek.
 

Nin la cararaya labadiisa ilmo, kadib markii dadku ay cabsi darteed u kala carareen markii loo sheegay war been ah oo ku saabsanin qof hubeysan uu soo dhex galay, magaalada Paris.

Haweeney hortaagan booliiska, xilli ay isku dhaceen ciidamada booliiska iyo shaqaale banaanbaxaya, ayadoo hoggaamiyayaasha caalamka ay magaalada Manila u imanayaan shirka dhaqaalaha ee Asia-Pacific.
 

Dad murugsan xilli daqiiqad aamusnaan ah lagu xusayo dadkii lagu dilay weeraradii Paris. Halkan waa safaaradda Faransiiska ee London.