Dibadbaxyada ayey sheegeen inay uga soo horjeedaan arrimaha sharciga canshuur kordhinta ganacsiga dalkaasi, sare u kaca qiimaha maciishadda iyo dowladda madaxweyne William Ruto oo ay sheegeen inay doonaan inay maamulka ka tuuraaan.
Madaxweynaha Kenya, oo isana maanta hadlay, ayaa sheegay in dowladdiisu aysan ogalaan doonin in fowdo laga sameeyo dalka Kenya, isagoo xusay inay gacan bir ah ay ku qabanaan mas’uulyiinta dibadbaxyada abaabulaya.
Warbixintan waxaa Nairobi kasoo diray Khadar Maxamuud Xareed.