Minnesota: Soomaali kale oo lagu soo oogay dacwado la xiriira kiiska Feeding Our Future

Andrew Luger, xeer-ilaaliyaha federaalka Mareykanka ee Minnesota

Andrew Luger, xeer-ilaaliyaha federaalka Mareykanka ee Minnesota

10 qof oo kale oo ka mid ah jaaliyadda Soomaalida degan gobolka Minnesota ayaa Isniinti shalay lagu soo oogay dacwad xiriir la leh, masuq-maasuq ay Waaxda Caddaaladda Mareykanka sheegtay in lagu sameeyay mashruuc quudin ah oo laga fuliyay magaalooyin ku yaalla gobolka Minnesota.

Bishii September ee sannadki hore ayaa dacwad tan la mid ah lagu soo oogay ilaa 50 qof oo asal ahaan kasoo jeeda Soomaaliya balse heysta dhalashada Mareykanka.

Tirada guud ee dadka la tuhunsanyahay ee lasoo dacweeyay ayaa hadda gaartay 60 qof.

Faah-faahinta arrintan ayaa wariyaha VOA-da ee gobolka Minnesota, Maxmuud Mascadde uu ka wareystay, garyaqaan Amin Harun oo degan gobolka Minnesota.

Your browser doesn’t support HTML5

Minnesota: Soomaali kale oo lagu soo oogay dacwado la xiriira kiiska Feeding Our Future