Meydadka dhallinyaro Soomaali ah oo maanta lagu aasayo Greece
Lesbos —
Allah ha u naxariistee dhallinyaro Soomaali ah oo ka baxay dalka Turkiga oo tahriib ku galay dalka Greece, halkaasi oo ay ku geeriyoodeen ayaa maanta lagu aasayaa Jasiiradda Lespos ee dalka Greece.
Ciise Shiine Xaashi, oo ah suxufi ku nool dalka Turkiga ayaa VOA-da uga warramay dhallinyarada geeriyootay markii ay tahriibka u baxeen iyo sida loo xaqiijiyay geeridooda.