Mesut Ozil oo ka fariistay ciyaaraha Kubadda Cagta

Laacibkii hore ee khadka dhexe ee xulka qaranka Jarmalka ee ku guuleystay Koobka Adduunka Mesut Ozil ayaa Arbacadii ku dhawaaqay inuu isaga fariistay ciyaaraha isagoo 34 jir ah.

Ciyaaryahankii hore ee Real Madrid iyo Arsenal ayaa xubin muhiim ah ka ahaa xulkii Germany ee ku guuleystay koobkii adduunka ee Brazil 2014-kii.

Sannadkii 2018-kii ayuu ka fariistay xulka Jarmalka, iyadoo ay dalka Jarmalka ka socotay dood siyaasadeed oo ku saabsan qulqulka muhaajiriinta iyo sawir uu la galay madaxweynaha Turkiga Tayyib Erdogan, isagoo sheegay inuu la kulmay “cunsurinimo iyo ixtiraam darro” ku aaddan isirkiisa Turkiga.

Ozil oo dhawaan u soo ciyaaray kooxda ka dhisan dalka Turkiga ee Istanbul Basaksehir ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Instagram-ka ku yiri: “Waxa aan fursad u helay in aan ahaa ciyaartoy kubadda cagta ah ku dhawaad 17 sano, aad ayaan uga mahadcelinayaa fursadan”.

“Waxaan rabaa inaan u mahadceliyo kooxahayga – Schalke 04, Werder Bremen, Real Madrid, Arsenal FC, Fenerbahce, Basaksehir iyo macallimiinti i taageeray, iyo saaxiibadii aan soo wada ciyaarnay" ayuu Ozil raaciyay.

Ozil waxa uu xulkiisa Jarmalka iyo kooxihii uu u ciyaaray u saftay 645 kulan, waxaana uu dhaliyay 114 gool, isaga oo sidoo kale dhiibay 222 gool.