Madaxweyne Mustafe oo is-bedello ku sameeyay hoggaanka hay'adaha amniga

Madaxweyne Mustafe

Madaxweynaha dowlada deegaanka Soomaalida Mustafe Muxumed Cumer ayaa isbadal cusub ku sameeyay hoggaaminta hay'adaha nabadgalyada deegaanka, iyadoo sidoo kalana madaxweynuhu magacaabay maayarro cusub ee saddex maamul magaalo.

Madaxweynaha ayaa dhinaca kale wafdi uu hoggaaminayo uu u ambabax dhanka galbeedka gobolka Siti si uu kulamo wadatashi ah ula yeesho bulshada una soo arko dadka barakacayaasha ah ee dhawaan kasoo barakacay dagaalada Canfarta iyo Soomaalida.

Warkan waxaa Jigjiga kasoo diray wariye Maxamed Cabdiraxman Gaataa.

Your browser doesn’t support HTML5

Maxweyne Mustafa Cumer oo isbedello ku sameemayay hoggaanka hay'adaha amniga DDS.mp3