Waxaa magaalada Gaarisa ee xarunta gobolka Waqooyiga Bari ee Kenya ee ay Soomaalidu degto lagu soo gabagabeeyay mashruuc lagu daah-furayay kor u soo qaadida, suuq gaynta iyo daryeelida xoolaha dalalka Ethiopia, Kenya iyo Soomaaliya.
Mashruucan oo malaayiin dollar ay ku baxeyso, oo lagu maal-gelinayo xoola dhaqatada muddo 12 sanadood ah, ayaa waxaa maal-galinaya dowladda Sweden.