Masar iyo Greece oo ka horyimid heshiis ay gaareen Turkey iyo Libya
Qaahira —
Dalalka Masar iyo Greece ayaa ka horyimid heshiis dhinaca tamarta ah oo ay gaareen dalalka Libya iyo Turkiga.
Heshiiskan ayey dowladda Libya ee Tripoli ku ogolaatay in sahmin dhanka tamarta ka sameyso badda meditareeniyaanka, hase yeeshee waxaa ka horyimid Masar iyo Greece oo sheegay inaysan aqbalin in wax dhaq-dhaqaaq ah laga sameeyeyo aagga lagu muransan yahay ee badda Meditareeniyaanka.