Wasaaradda Gaashaandhigga Mareykanka ayaa sheegtay in burcad badeed hubeysan oo dabayaaqadii toddobaadkii tagay weerar u geystay markab marayay Gacanka Cadmeed ay tuhunsanyihiin inay Soomaali yihiin.
Sarkaal ka tirsan wasaaradda gaashaandhigga Mareykanka ee Pentigon-ka ayaa hadalkan ku sheegay mar uu war fidiyeenka la hadlayay. Weerarka ayaa markii hore loo maleeyey inay ka dambeeyeen Xuutiyiinta Yemen.
Warbixin ay arrintan ka qortay Wakaaladda Wararka ee Reuters waxaa soo jeedinaya Xuseen Barre Aaden.
Your browser doesn’t support HTML5
Mareykanka oo Soomaali ku tuhmaya weerar ka dhacay Gacanka Cadmeed