Geelle iyo Sunak oo ka wadahadlay xal u helista colaadda Sudan
London —
Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele iyo Ra'isul Wasaaraha Britain Rishi Sunak ayaa ka wadahadlay xaaladda dalka Sudan iyadoo labada hoggaamiye ay ku boorriyaan ciidanka dagaalama in ay joojiyaan colaada, isla markaana la ilaaliyo dadka rayidka ah oo ay ku jiraan muwaadiniinta labada dal.
Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele ayaa kamid ah saddex madaxweyne oo ka tirsan Urur Goboleedka IGAD oo loo xilsaaray in ay dhexdheediyaan ciidanka ku dagaalamaya Sudan.