Madaxweynayaasha Iran, Turkey iyo Russia oo soo saaray go'aan wadajir ah
APTOPIX Iran Russia Turkey
Tehran —
Madaxda dalalka Iran, Turkiga iyo Ruushka oo kulan yeeshay ayaa cambaareeyay weerarada Israel ay ka geysato dalka Syria, tas oo ay ku sheegeen inay ka hor imaaneyso madax bannaanida dhuleed ee Syria.
Saddexda madaxweyne ayaa ku kulmay magaalada Tehran, ayada oo madaxweyne Putin uu markii ugu horreysay ka baxay Ruushka tan iyo markii uu billowday duulaanka Ukraine.