Madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump ayaa mar kale dib loogu doortay xilkaas, kadib doorasho adag oo shalay ka dhacday dalka, isaga oo ka guuleystay madaxweyne ku-xigeenka Mareykanka Kamala Harris.
Hogaamiyeyaasha dunida ayaa hambalyo u soo diray madaxweynaha la doortay, isla markii warbaahintu ay muujisay inuu hayo dariiqii uu ku hantin lahaa guusha doorshada.
Warbixin ay arrintan ka qortay VOA, waxaa soo jeedinaya Cabdixakiim Shirwac.