Laba gaari oo kuwa xamuulka ah ayaa lagu gubay deegaanka Tarbaj ee duleedka magaalada Wajeer ee gobolka woqooyi bari ee Kenya.
Kooxo jidka u galay ayaa la sheegay inay baabuurta gubeen hase yeeshee ma jirin wax dhimasho ama dhaawac ah oo soo gaaray dadkii saarnaa oo hortooda dab lagu qabadsiiyay gawaarida iyo wixii saarnaa.