Kenya: Weerar Saldhig oo Lagu Dilay Shan Sarkaal

Kenya Map

Nin hubeysan ayaa saldhig ku yaalla galbeedka Kenya ku dilay shan sarkaal oo booliis, kadibna afduubtay dhowr maxbuus, ka hor inta aan asaga la dilin.

Ninkan ayaa markii hore la tuhunsanaa inuu ahaa maxbuus Shabaab ah oo qoriga ka xoogay askari, hase yeeshee booliiska ayaa goor dambe sheegay inuu ahaa askari kale oo gadooday. Weli lama xaqiijin karo warka booliska.

Madaxa booliiska Kenya, Joseph Boinnet ayaa sheegay in ninka uu isku dayey inuu baxsado markii uu toogtay saraakiisha booliiska, laakiin ay taas ka hortageen saraakiil kale oo durba gaaray saldhigga.

Dhinaca kalena, madaxa booliiska Kenya ayaa sheegay in xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab ay isku dayeen inay weerar ku qaadaan saldhig ku yaalla gobolka xeebta ee Kenya.

Waxa uu sheegay in booliiska ay iska caabiyeen weerarkaasi ayna dileen dhowr ka mid ah kooxdii weerarka soo qaaday hase yeeshee ma uusan shaacin tirada.

Warkan waxaa Gaarisa kasoo diray weriyaheena Maxamed Faarax Shire.

Your browser doesn’t support HTML5

Saraakiil Kenyan ah oo la dilay