Jabuuti: Bankiyada Carabta oo ka shiray 'la-dagaallanka lacagaha u socda argagixisada'
Jabuuti —
Bangiga dhexe ee dalka Djibouti oo kaashanaya ururka midowga bangiyada dalalka Carabta ayaa xalay soo gabagabeeyey tababar la xiriira ka hortagga iyo la dagaallanka lacagaha asalkooda aan la garaneyn iyo lacagaha u socda in lagu maalgaliyo argagixisadda.
Aqoon korodhsigan ayay ka qeyb galeen bangiyo kala duwan oo ka hawl gala degmada Geeska Afrika.
Waa sidan uu warbixintan uu ku sheegayo wariyahayaga Ramdan Muuse Jaamac.